Ugu horreyn, caabuq-dhaliyaha Coronavirus oo ka mid ah xaynta cudurada faafa “Infectious Diseases”, waxa markii koowaad la ogaaday ku beegnaan sannadihii lixdamaadkii. Balse xilligaa si buuxda looma aqoonsan aroor cilmiyeedkiisa, waxaana lagu magacaabay crown-like shape. Iyada oo la bayaamiyey in caabuqa Coronavirus uu caadiyan asiibo dadka iyo xayawaankaba.
Run ahaantii, xanuunka Coronavirus xilli-meertada uu dhaco ama dillaaco waxa ugu badan xiliyada Deyrta iyo Jiilaalka. Sidoo kale, tubaha faafidda caabuqa Coronavirus waa dariiqyo isku mid ah oo ay ka mid yihiin:
Hawo-raac “Airborne”,
Hindhiso ku dhalad “Droplet”,
Taabasho ku faaf “Direct Contact”.
Dhinaca kale, caabuqa Coronavirus waa nooc ka mid ah cudurada ka dhasha caabuq-dhaliyaha Coronavirus, kaasi oo asiiba aagga sanka, god-biyoodyada hareeraha sanka “Sinuses” iyo qaybta sare ee cunaha, balse dabeecad ahaan ma’aha xanuun aad u halis badan. Haseyeeshe, mararka qaarkood wuxuu la soo baxaa dhaqan halis iyo hagardaamo huwan.
Haddaba, ku sinnaan sannadkii 2012-kii 858 qof ayaa xanuunkan ugu dhintay gobalka bariga dhexe “Middle East Respiratory Syndrome”, iyada oo markii ugu horreysay lagu arkay dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya. Ka dibna wuxuu ku sii faafay waddamada kale ee dhaca gobolka bariga dhexe iyo Qaaraddaha Afrika, Aasiya, Yurub iyo America.
Mar kale, qiyaas ahaan sannadkii 2015-kii wuxuu caabuq-dhaliyaha Coronavirus ka dilaacay Korea, isaga oo ku sii fiday jasiiradda Carabta, halka gu’gii 2003-dii 774 qof ayaa u dhintay Acute Respiratory Syndrome “SARS”. Run ahaantii, SARS iyo MERS waa jilib hoosaadyo ka mid ah noocyada caabuq-dhaliyaha Coronavirus.
Sidaa awgeed, horraantii bishan January 2020, Ururka Caafimaadka Dunida “WHO” ayaa daah-qaaday nooc cusub oo ka mid ah noocyada caabuq-dhaliyaha Corona Virus. Caabuq-dhaliyaha cusub oo laga helay dal weynaha Shiinaha, waxa loogu wanqalay magaca 2019 Novel coronavirus “2019-nCoV”.
Saameynta Iyo Dhimashada: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Wararkii ugu danbeeyey ee cudurka Coronavirus ayaa xaqiijiyey inuu cudrkani dunida oo dhan asiibay ilaa 4,520 qof, halka 106 qofna ay u dhinteen. Tirada ugu badan ee caabuq-dhaliyaha Coronavirus u dhintay ama uu asiibay ayaa ka soo jeedda qaaradda Aaasiya. Iyada oo in ka badan 56 milyan oo qof oo ku kala nool 20 magaalo oo ku yaalla dalka Shiinaha laga mamnuucay dhammaan socdaallada guddaha iyo dibedda dalka. Waxaana dalka China hadda ku sugan Agaasimaha guud ee Hay’adda Caafimaadka Dunida “WHO” mudane Tedros Adhenon.
Calaamaddaha Cudurka: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Inta badan calaamaddaha cudurka Coronavirus ayaa lagu arkaa ama ka soo shaac-baxa qaybaha sare ee Hab-Dhiska Neef Mareenka “Upper Respiratory Tract”. Haddaba, calaamaddaha waaweyn ama muhiimka ah ee lagu garto, lagu aqoonsado ama uu soo bandhigo Coronavirus, waxa ka mid ah:
Duuf/Biyo Sanka ka yimaadda “Runny nose”,
Qufac “Cough”
Cuna-xanuun daran “Sore Throat”,
Caabuq-dhageedka Carruurta ” Middle Ear Infections in children,
Iyo xummad.
Raad-reebka Daran ee Xanuunka: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Akhriste, haddii caabuq-dhaliyaha Coronavirus u gudbo aagga hoose ee Hab-Dhiska Neef Mareenka “Dhuumaha neefmareenka iyo Sanbabka” wuxuu dhalin karaa:
Baadhitaannada Shaybaadhka: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Bukaannada xanuunka Coronavirus asiibo, waxa loo diri karaa baadhitaan shaybaadh. Iyada oo diiradda la saarayo:
Sameynta Baadhista Duufka ama Biyaha sanka bukaanka ka yimaadda,
Sameynta Baadhista Malaxda cunaha,
Baadhista Dhiiggaga,
Iwm.
Daaweynta: °°°°°°°°°°°°°°
Nasasho,
Cabbitaanka Biyaha iyo Sharaabka,
Daawooyinka Xummad Jebinta “Take over-the-counter medicine” gaar ahaan bukaannada lagu arko cuna-xanuun daran “Sore Throat”,iyo xummad “Fever”. Waxa la siin karaa Aspirin, Ibuprofen ama Acetaminophen. Balse Aspirin lama siin karocarruurta iyo dadka da’doodu ka yar tahay 19 jir.
Maareyn Iyo ka hortag: °°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°°° Caabuqa Coronavirusa malaha talaal laga hortagi karo. Haseyeeshee, waxa lagu maareyn karaa hannaan la mid ah habka maareynta Durayga “Common Cold”. Iyada oo la raacayo qodobadan soo socda: