Liverpool Oo Loo Cummaaday Horyaalka England Iyo Man.City Oo Iska Xaadirisay Koobka Finalka Carabao Cup
January 30, 2020 - Written by Berbera Today
UK(Berberatoday.com)-Liverpool ayaa 19 dhibcood oo nadiif ah ku qabatay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda West Ham oo marti loo ahaa, waxayna kaabiga ku hayaan in loo caleemo saaro koobka horyaalka.
Reds ayaa rikoodh cajiib ah u yaalay tan iyo 125 sannadood ka hor jabisay caawa iyagoo kawada badiyay dhamaan 19kii kooxood ee ay isku arkeen horyaalka xilli ciyaareedkan. West Ham ayaa aheyd kooxda kaliya ee u hadhsaneyd inay ka badiyaan madaama uu kulankoodii u baaqday Club World Cup.
