Madaxweyne Biixi Oo Cadaadis Lagu Saaray Kala Dirista Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka
January 31, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Mr. Nicolás Berlanga oo socdaal ku jooga Magaaladda Hargeysa, ayaa kulamo la qaatay hoggaamiyeyaasha xisbiyadda Mucaaridka UCID iyo WADDANI.
Kulamaddan oo dhinaca xisbiyadda horkacayeen labadda Gudoomiye Eng Faysal Cali Xuseen iyo Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa intii uu socday lagaga waddahadalay sidii loo dhammaystiri lahaa caqabadaha horyaalla qabsoomidda doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaanka.
