Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Markab Dushii Kullan Kula Yeeshay Safiirka Midowga Yurub+Daawo Sawiro
January 31, 2020 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo qaar kamida Golaha Wasiirada ayaa maanta kormeer iyo booqasho ugu tegay Markab kamida kuwa Ilaalada Xeebaha oo ay leeyihiin Midowga Yurub, waxaana uu halkaasi Shir kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub iyo Admiral kii Markabkaasi waday oo uu Madaxweyne ku xigeenku ka dhegaystay Warbixin la xidhiidha Ilaalada Xeebaha siday uga hawl galaan ka midow yurub ahaan.
