Taliye Kuxigeenkii Hore Ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire Oo Dhaawac Kasoo Gaadhay Gaadhi Ku Jiidhay Magaalada Helsinki Dalka Finland
January 31, 2020 - Written by Berbera Today
Helsinki(Berberatoday.com)-Waxa shalay gaadhi ku jugeeyey Caasimadda Finland Helsinki Qaybta Bariga ee loo yaqaan Itakeskus Taliye ku xigeenka hore Booliska Somaliland Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire oo waxyeelo ka soo gaadhay Jugeyntii oo Adin ka jabay madaxana dhaawac fududi ka soo gaadhay Galabnimadii Shalay
Gadhiga jiidhay Taliye Kuxigeenka Hore Booliska Somaliland Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire ayaa Waxa watay wiil Dhalinyaro ah oo udhashay dalka Finland.