Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Safiirka Midowga Yurub Nicolas Berlanga Martinez Oo Kulana Wada Qaatay Iyo Waxay Kawada Hadleen
February 1, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.