Dawladda Xamar Oo Sheegtay In Badaha Somalia Sun Lagu Daadiyey
February 2, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Soomaaliya (Axmed Ciise Cawad) ayaa sheegay in qiraal loo hayo in badda Soomaaliya lagu daadiyay sun, xilli uu la hadlayay warbaahinta qaranka.
Wasiirka wuxuu ka gaabsaday inuu carabaabo halka uu k asoo xigtay warkan saameynta weyn leh iyo xitaa cidda leh mas’uuliyadda falkan.
Wasaaradda Kheyraadka Badda iyo Kalluumeysiga dowladda federaalka ayaa sheegtay dhawaan iney baadhitaan ku sameyn doonto arrinta xilli dhawaan xeebaha magaalada Muqdisho ay kusoo caariyeen kalluun badan.