Somaliland: Maxaabista Jeelasha Ku Jira Oo Aan La Siin Cunto Ku Filan
February 3, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(berberatoday.com)-Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo tirada guud ee Maxaabiista ku xidhan guud ahaan Xabsiyada dalka. Komishanka Xuquuqal iinsaanka Somaliland oo soo saaray warbixin-sannadeedka 2019-kii, ayaa sheegay in guud ahaan Xabsiyada Dalka ay ku jiraan Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 2,317, kuwaasi oo dambiyo kala duwan loo haysto.
Komiishanku xuquuqal iinsaanku wuxuu sheegay in Xaaladda Nololeed ee Maxaabiistu wanaagsan tahay guud ahaan Dalka, marka laga reebo Cuntada ay Maxaabiistu helaan saddexda wakhti oo la siiyo raashin aan ku filnayn ama aanay ku baahi-bixin.