“Cabdirashiid Janan Ha La Qabto ..”Hay’adda Amnesty International
February 4, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, isla markaana ay u gudbiso dawladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro.
War saxaafadeed ay soo saartay, ayaa hay’adda Amnesty International ay ku sheegtay in Cabdirashiid Janan loo qabtay “dambiyo cuslus” 31-kii August ee sannadkii hore loona baahan yahay in caddaaladda la marsiiyo.
Waxay sheegtay Amensty International inay tahay arrin aan caqligal ahayn in Cabdirashidi Janan oo lagu tuhunsan yahay mas’uuliyadda dambiyo liddi ku ah sharciyada caalamiga ah, iyo kuwa xuquuqda aadanaha inuu ka baxsado caddaalladda.