Xukuumadda Somaliland Oo Joojisay Ka Ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska Iyo Shuruud Lagu Xidhay
February 5, 2020 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa soo saaray Wareegto Wasiir oo uu ku mamnuucday ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska, isla markaana waxa uu shuruud ku xidhay cidda soo iibsan karta iyo halka ay u marayso.
Wasiirka oo soo xiganaaya talo soo jeedin uu u soo gudbiyey Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland, ayaa sheegay in ciddii u baahan soo dejinta gaadiidkaasi oggolaasho ka soo qaadato Taliska Ciidankaasi, laga bilaabo taariikhda wareegtadu soo baxday. Wareegto uu ku saxeexnaa Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdillaahi Abbokor Cismaan oo soo baxday galabta, isla markaana nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews.com, waxay u dhignayd sidatan:-