Dawlada Somaliya Oo Digniin U Dirtay Dhigeeda Kenya
February 6, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliyaa ayaa ku eedeysay Kenya inay waddo tallaabooyin ay ku faragelineyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Waxay dowladda sheegtay in Kenya ay ” faragelin siyaasadeed iyo mid amni ay ka waddo gudaha Soomaaliya”
“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xuntahay faragelinta siyaasadeed iyo mid amni ee ay ka wado dowladda Kenya gudaha Soomaaliya, taasoo aan u wanaagsaneyn xiriirka labada dal iyo shacab ee walaalaha iyo deriska ah, iyo xal u helida mushkilaadaha gobolka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.