Tahriibayaal Caruuri Kujirto Tiradoodu 90 Kor Udhaaftay Oo Laga Soo Badbaadiyay Xeebaha Ingiriiska
February 7, 2020 - Written by Berbera Today
UK(Berberatoday.com)-Sagaashan tahriibayaal oo ay carruur ku jiraan ayaa lagu soo badbaadiyey xeebaha dalkaasi Ingiriiska.
Siddeed doomood oo kuwa yaryar ayaa soo gaaray biya xireenka Dover, mid ka mid ah doomahaasina ay sidday 21 tahriibayaal oo rag ah.
Wasaaradda Arrimaha gudaha Ingiriiska waxay sheegtay dadkaasi muhaajiriinta ee la soo badbaadiyey inay u dhasheen waddamada Suuriya, Yemen iyo Maali.
Carruurta la soo badbaadiyey si ay daryeel u helaan waxaa loo gudbiyey xaruumaha adeegga bulshada ee carruurta lagu xannaaneeyo.