Laba Kamida Ragii Dilka Iyo Kufsiga Isugu Daray Marxuumad Caasha Ilyaas Oo Dil Qisaasa Lagu Fuliyay Saaka
February 11, 2020 - Written by Berbera Today
Bosaso(Berberatoday.com)-Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay.
Sidoo kale, maxkamadda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxkamadda sare laashay 23-ka October 2019.
24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray.
Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay.
Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas.
Xigasho : Puntland Post.