Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro Oo Xalay Ku Kulmay Addis Ababa
February 11, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay labadooduba ku suganyihiin.
Ma jiro war rasmi ah oo kulankaas laga soo saaray, laakiin warar xogogaala ah ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaweyne Biixi iyo guddoomiye Cirro ay xalay isku horfadhiisteen kulan casho ah oo ka dhacay hoteelka uu Madaxweynuhu degenyahay, waxaana kulanka ku weheliyay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo hadda ka tirsan Waddani, Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed iyo odayaal kale oo reer Somaliland ah.