Ergayga Somaliland Ee Wadahadalka Soomaaliya Drs Edna Aadan Oo Turkiga Lagu Soo Dhaweeyey
February 13, 2020 - Written by Berbera Today
Istanbul(Berberatoday.com)-Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Soomaaliya Dr. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa Arbacadii maanta gaadhay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo si diirran ay Xubno ka tirsan Ardayda iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee Turkigu si diirran ugu soo dhaweeyeen.
Drs. Edna Aadan oo maalmihii u danbeeyay socdaal ku maraysay qaar ka mid ah dalalka Qaarada Yurub, ayaa Turkiga ku sugnaan doonta maalmaha soo socda oo ay kulammo kala duwan la yeelan doonto madaxda dalkaas qaarkood iyo weliba Jaaliyadda Somaliland ee Turkiga ku nool.