“Suxufiyiinta Somaliya Cabsi Ayey Ku Nool Yihiin….”Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Amnesty International
February 15, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya “la haysto,” wajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xadhig.
Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, ayaga oo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramidda dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta.