Ciidamada Qaranka Somaliland oo Kusii Jeedaa Magaalada Buuhoodle.
February 18, 2020 - Written by Berbera Today
Buuhoodle(Berberatoday.com)-Warar aan ka helayno magaalada buuhoodle iyo nawaaxigeeda ayaa sheegaya in Dhaqdhaqaaq ciidan uu ka jiro deegaanadaas.
Cutubyo katirsan ciidanka somaliland ayaa xalay ilaa saaka kusii qulqulayay deegaanada hawdka inta udhaxaysa Yeyle ilaa horufadhi sida dadka degaanku sheegayaan halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo xoogan oo ka tirsan jamhada xoraynta SSC iyo meeleeshiyo beeleed hubaysan.
Gudaha magaalada buuhoodle ayaa waxaa la arkayay gaaadiid dagaal oo magaalada dhexmaraya kuwaasi oo usoo jihaystay dhanka caraweyn.
Dadka degaanka oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in laga cabsi qabo dagaal halkaas ka qarxa.