berberatoday.com
Arsenal Oo Garoonkeeda Guul Muhiim Ah Kaga Gaadhay Everton
February 24, 2020 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Arsenal ayaa guul muhiim ah kaga gaartay kooxda Everton garoonkeeda Emirates, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 2-2 ah.

Daqiiqadii 1-aad ee ciyaarta kooxda Everton ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 0-1 ka dhigay Dominic Calvert-Lewin.

Daqiiqadii 27-aad Arsenal ayaa heshay goolka bar-bardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay Eddie Nketiah, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Bukayo Saka.

33 daqiiqo Gunners ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu Pierre-Emerick Aubameyang ka dhigay 2-1, xilli caawita goolkan uu lahaa David Luiz.

Daqiiqadii 45-aad Everton ayaa la timid goolka bar-bardhaca waxaana 2-2 ka dhigay xiddiga reer Brazil ee Richarlison, saaxiibkiis Yerry Mina ayaana goolkan ka caawiyay.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 46-aad Arsenal ayaa durbaba hoggaanka ciyaarta la wareegtay, kaddib markii uu dheeshay ka dhigay 3-2 Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana goolkan caawiyay Nicolas Pepe.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo idlaatay 3-2 ay Arsenal kaga adkaatay Everton oo marti ugu aheyd Emirates Stadium.

 

 

SAWIRRO:

View image on Twitter

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews