Urur Caalamiya Oo Soo Bandhigay Cadaymaha In Midowgii Somaliland Iyo Somaliya Ka Hor Imanayo Sharciga Qaramada Midoobay.
February 25, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-War-saxafadeed kasoo Baxay Urur caalamiya oo ay qayb ka yihiin Qurba Joog Reer Somaliland ayaa soo bandhigay Cadaymo Muujinaya in Midowgii Somaliland Iyo Somaliya ee 1960 uu ka hor imanayo Sharciyada Qaramada Midoobay kaasi oo aan gabi ahaanba aanu jirin meel laga ansixiyay isku biiristooda haday tahay golihii baarlamaanka ee wakhtigaa la dhisay iyo mid caalamiya toona.
