Ciidamada Somaliland Qaranka Somaliland Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Maanta Dhex Maray Ciidamada Maamulka Puntland
February 26, 2020 - Written by Berbera Today
Yubbe(Berberatoday.com)-Subaxdii hore ee Saaka waxa dagaal deegaanka Kadhada ee Sanaag-bari uu Dagaal ku dhex maray Ciidammada Somaliland ee halkaa ku sugan iyo kuwa Maamul-gobolleedka Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidammada Qaranka Somaliland oo soo gaadhay HCTV ayaa sheegay in dagaalkaa ay guulo ka soo hooyeen isla-markaana ay Ciidammada Puntland ka furteen Hub, laakiin ma sheegin wax khasaare nafeed ah oo soo kala gaadhay Ciidammada Puntland.
War-saxaafadeedka Ciidammada Somaliland ayaa u qornaa sidan “Waxa jira inay Maamulka Puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 badhasaabka laasqoray ee Jamhuuriyadda Somaliland, isku dayeena inay dilaan, hase ahatee illaahay ka badbaadiyay, waxay daandaasi joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan badhan iyo degaanada ku hareeraysan .