Bangiga Horumarinta Afrika Oo Ansixiyay $122 Milyan Oo Lagu Taageerayo Deyn Cafinta Soomaaliya
February 27, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Bangiga Horumarinta Afrika iyo Sanduuqa maalgalinta Afrika ayaa ansixiyay $ 122.55 milyan, si Soomaaliya lagaga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay, taas oo wadada u xaadheysa in Bangiga adduunku uu furo fursado lagu maal-galinayo Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Beileh, oo arintan ka jawaabayay ayaa sheegay, bangiga horumarinta Afrika in uu Soomaaliya ku raacay isbadallada adag oo ka dhigi kara Soomaaliya in ay noqoto meel u wanaagsan dhammaan dadka Soomaaliya.
