Madaxweyne ku-xigeenka IRAN Oo Laga Helay Coronavirus
February 28, 2020 - Written by Berbera Today
Tehran(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Masoumeh Ebtekar, ayuu haleelay caabuqa coronavirus.
Sidaana waxa weriyey Maanta Wargeyska Dawladda Iran leedahay.
Iran ayaa ah waddanka uu Coronavirus ku dilay dadka ugu badan, marka laga yimaaddo Shiinaha.
Ugu yaraan 26 Qof ayuu illaa hadda caabuqa Coronavirus ku dilay Iran, iyada oo uu haleelay dad gaadhaya 255 ruux, kuwaasi oo ay ku jiraan 106 qof oo uu dhawaan uun haleelay.
Iran ayaa dalkeeda ka mabnuucday inay soo galaan Dadka u dhashay Waddanka Shiinaha, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Iran ee Irna.