Liverpool Oo Laga Jabiyay Recordkii Guuldaro La,aanta Iyo Watford Oo Afka Ciida Udartay
March 1, 2020 - Written by Berbera Today
Watford(Berberatoday.com)-Rikoodhkii guuldarro la’aanta ahaa ee Liverpool ayaa caawa lasoo afjaray, kaddib markii ay guuldarro 3-0 ah kala soo kulantay kooxda Watford oo ay ku booqatay garoonka Vicarage Road, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray bar-bardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 54-aad kooxda Watford ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay ciyaarta Ismaila Sarr, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Abdoulaye Doucoure.