Siyaasiga Duur Iyo Xildhibaan Buuba Oo Ka Badbaaday Qorshe La Doonayay In Xisbiga Waddani Lagaga Saaro.
March 3, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Maxamuud Nuur Caraale (Duur) iyo xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa ka badbaaday qorshe la doonayay in lagaga saaro xisbiga Waddani.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shir ay Axadii yeesheen guddiga fulinta ee xisbiga Waddani, wuxuu ku soo bandhigay in anshax marin lagu sameeyo labadaas siyaasi oo si weyn u taageeray baaqii uu Madaxweyne Biixi ka noqday ee uu hore ugu sheegay in la furayo ururada siyaasadda.
