“Cadaalad Darada Waxaa Ka Dhasha Nabadgalyo Darro”Xildhibaan Maxamed Wali
March 4, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Maxamed Wali Maxamed Warsame, oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay cadaalada iyo muhiimada ay leedahay, waxaanu tilmaamay in cadaalada oo sideeda loo ilaaliya, inay faa’iidooyin badan leedahay, cadaalad daro dhacdaana ay dhibaatooyin badan leedahay.
Xildhibaan Maxamed Wali Maxamed Warsame, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Cadaaladu waa arin culus oo u baahan in sida ay tahay loo ilaaliyo, cadaalad dhamays tiran ILLAAHAY oo qudha ayaa laga hela, laakiin inaynu inaguna ilaalino weeye, cadaalada oo ilaaliyana faa’iidooyin badan baa inoogu jira, oo waxaynu iska ilaalinaynaa dulmi iyo xaq daro, cadaalad darada waxaa ka dhasha nabadgalyo daro, dhibaatooyin, xaq daro iyo dulmi,ee aynu iska ilaalino cadaalad darada, oo cadaalada aynu ilaalino”