Tirada Dadka Ku Dhintay 16 Weerar Oo Al-shabaab Ku Qaadday Kenya 2-dii Bilood Ee Sannadkan Oo La Shaaciyay!
March 4, 2020 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Ugu Yaraan 20 Qof oo Shacab ah ayaa ku dhintay Weerarro sannadkan gudihiisa Al-shabaab ka fulisay gudaha Dalka Kenya.
Deraasad uu sameeyay Wargeyska Sunday Nation oo ka soo baxa Kenya ayaa muujinaysa in Al-shabaab ay sannadkan bilowga ah oo keliya ay gudaha Kenya ka fulisay 16 Weerar, kuwaasi oo dhammaantood ka dhacay Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya iyo Xeebta.
