Al-Shabaab Oo Dadka Masiixiyiinta Ku Amray Inay Si Degdeg Ah Kaga Baxaan Gobolka Waqooyi-Bari Kenya
March 5, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-sida laga soo xigtay hay’ad u ololeeysa arrimaha dadka Christianka oo fadhigeedu yahay Maraykanka. Kooxda al-Shabaab ayaa ku amartay dadka Masiixiyiinta inay ka baxaan saddex degmo oo kuyaala gobolka waqooyi-bari Kenya, si loogu oggolaado Muslimiinta maxalliga ah inay helaan dhammaan shaqooyinka.
“Macallimiinta Muslimka ah, dhakhaatiirta, injineerada, iyo dhalinyarada ka qalin-jabisay gobolka waqooyi-bari waa shaqo la’aan. Miyaanay fiicnayn in la siiyo fursad? Looma baahna jiritaanka gaalada, ”afhayeenka al-Shabaab, Sheekh Cali dheere, ayaa sidaas ku sheegay cajal maqal ah oo la soo dhigay internetka.