Xukuumadda Somaliland Oo Sedex Cisho Kadib Shacbiga Ka Tacsiyadaysay Dilkii Gudoomiyihii Maxkamadda Ee Gobolka Sool.
March 6, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) Ayaa sedex Cisho kadib ka hadlay dilkii Gudoomiyhii Maxkamada Ee Gobolka sool oo qarax Gaadhigiisa lagu xidhay lagu dilay islamarkaana ay xukuumadu ka Aamustay iyadoon xataa ka qaybaglin Aaskii loo sameeyay wax Tacsi Ahna Udirin Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuumku.
