Daawo Muuqalka”Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeer Wax Laga Bedelayo Kootada Xeerka Isgaadhsiinta
March 7, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaanada Golaha wakiladda Somaliland ayaa saaka soo dhigay mooshin ay ku saxeexan yihiin 75 mudane oo ku saabsan wax ka badalka xeerka is gaadhsiinta oo ay qeyb ka ahayd kootadii internetka ee shirkada Somcable .
68 xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay waxkabadalka xeerkaasi halka xildhibaan kaliyana ka diiday gudoomiyuhuna aanu codeyn .
Waxkabadalka xeerkan ayaa fudaydin doona in shirkado badan oo daneynayay inay dalka keenaan internet ay kusoo dhiiradaan maal gashiga dalkooda .
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Warkan