Wasiirka Isgaadhsiinta Oo Ka Hadlay Ahmiyada Adeega Boosaha Oo La Bilaabay
March 7, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr.Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi, ayaa sheegay inay Somaliland xaq u leedahay inay yeelato wax kasta oo uu leeyahay dalalka aqoonsiga haysta, waxaanu ka hadlay faa’iidada ay leedahay Boostii ay dhawaan Caasimadda ka fureen, isagoo xusay inay qorshahana ugu jirto sidii Gobolada kale ee dalkana looga sameeyn lahaa Booso.