Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa bulshada Somaliland ugu bushaareeyay in doorashooyinka baarlamaanka iyo degaannadu dhici doonaan sanadkan 2020, islamarkaana uu si rasmi ah u dhaqan galayo heshiiskii laga gaadhay arrimaha doorashooyinka.
“Inbadan baynu isla jiitamaynay arrimaha doorashada laakiin, waxaan ku faraxsanahay in walaahowgii laga baxay, in laga heshiiyay in doorashadii la qabto. Heshiis siyaasi ah baa dhacay oo ah in doorashadii Wakiillada iyo goleyaasha degaanku inoo qabsoomaan sanadkan 2020. Arrintaasi waxay guul u tahay Somaliland, wixii qabyo ah ee dhiman asxaabtu waxay ku heshiiyeen in xisbiyadu si wada jir ah u dhammeeyaan, waxaan shacbiga Somaliland u soo jeedinaya in walaahowga laga baxo oo ma dhacaysa iyo ma dhacayso doorasho iska dhaaftaan oo doorashada u diyaargarowdaan,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.