Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Sheegay Inuu Dib Ugu Celiyay Xisbiga UCId Xubintii Hore Isu Casishay Ee Komishanka Oo Marlaab Xisbigu Madaxtooyada Ugudbiyay
March 10, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu xisbiga UCID dib ugu soo celiyay xubintii ay u magacaabeen guddiga doorashooyinka Md. Xasan Yuusuf Ducaale.
Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyada iyo xisbiga UCID ku xaqiijiyeen dib u soo celinta xubintan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in xafiiska Madaxweyne Biixi ku soo wargeliyay xisbiga UCID dib u soo celinta xubintaas.