Madaxweyne Trump Oo Laga Baadhayo Xanuunka Coronavirus
March 10, 2020 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump aan laga baarin cudurka Coronavirus xilli looga cabsi qabo dad uu xiriir la sameeyey.
Laba sharci-dejiye oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, oo Trump uu xiriir la sameeyey, ayaa dhowaan sheegay inay si iskood ah isku karantiilayaan kadib markii ay ka qeyb galeen shir uu sidoo kale joogay qof laga helay cudurka.
“Madaxweyne Trump lagama baarin cudurka COVID-19, sababtoo ah ma jirin xiriir waqti dheer ah oo uu la sameeyey qof la xaqiijiyey inuu cudurka qabo, mana lahan wax astaamo cudurka ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay afhayeenka Aqalka Cad Stephanie Grisham.