Cabdillaahi-Jawaan Muxuu ka yidhi Go’aanka Madaxweyne Biixi ku Diiday Codsi UCID iyo Buuxinta Guddiga Doorashada?
March 11, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa ka hadlay Waxa Sharcigu ka qabo go’aanka Madaxweynaha Somaliland ku Diiday Codsi Xisbiga UCID kaga dalbaday inaanu Aqbalin Iscasilaadda Xubintoodii Guddiga doorashooyinka oo dhawaan is-casilay.
Cabdillaahi Jawaan oo Guddoomiye ku-xigeen ka ahaa guddigii ugu horreysay ee doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay awoodda madaxweynuhu u leeyahay inuu diido iyo inuu aqbalo codsiga UCID ku dalbaday inaanu iscasilaadda ka aqbalin xubintooda guddiga doorashada iska casilay iyo sidoo kale jidka u furan Xisbiga UCID, maaddaama oo Madaxweynuhu diiday codsigooda, kaas beddelkiisana aqbalay is-casilaadda xubintaas.