FBI-da Mareykanka Oo Baadhaysa Isku Daygii Dil Ee Raysal Wasaaraha Sudan
March 11, 2020 - Written by Berbera Today
Khartoum(Berberatoday.com)-Baadhayaal ka socda Mareykanka ayaa Sudan ka caawin doona baadhitaanka lagu sameynayo isku daygii dil ee fashilmay ee ka dhanka ahaa ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, waxaa sidaas Arbacada sheegay wasiirka wafaafinta iyo dhaqanka Sudan.
Faisal Mohammed Saleh ayaa weriyayaasha u sheegay in koox ka tirsan FBI-da “ay saaka soo gaadheen si ay ugu biiraan baadhayaasha Sudan.”
Hamdok ayaa isaga oo aanay waxyeelo gaadhin Isniintii ka bad-baaday isku day lagu khaarajin lahaa, ayada oo la adeegsanayo qarax lala beegsaday kolonyadiisa.
Baadhayaasha Mareykanka ayaa ku biirin doona Sudan “khibrada iyo farsamada ay u leeyihin kiisaska noocan ah”, sida uu sheegay Saleh.
Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa wasiirka ayaa sheegay in kooxda Mareykanka ay ka kooban yihiin saddex qof.