Loolanka Saliidda Ee Ruushka Iyo Sucuudiga Oo Galay Xiisad Kulul
March 11, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaaa sii xoogaystay oo meel sare gaadhay dagaalka dhanka Saliidda ee u dhaxeeyo Dowladaha Sucuudiga iyo Ruushka, kadib tallaabo cusub oo ay ku dhowaaqday dowladda Sucuudiga.
Shirkadda shidaalka Sucuudi Carabiya ee Saudi Aramco ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay wax soo saarkeeda saliid caydhiin ay kordhiso hal milyan oo barmiil maalinkiiba, xilli uu xoogeystay dagaalka shidaalka ee u dhaxeeya Sucuudiga iyo Russia.
“Saudi Aramco waxay ku dhowaaqeysaa inay amar ka heshay wasaaradda tamarta si ay sare ugu qaado wax soo saarkeeda saliida oo hadda ah 12 milyan oo barmiil maalinkii, islamarkaana gaadhsiiso 13 milyan,” ayey shirkadda ku tidhi bayaan ay u dirtay Suuqa Kala Iibsiga Saamiyada ee Sucuudiga.