berberatoday.com
Liverpool Oo Laga Reebay Koobka Kooxaha Yurub
March 12, 2020 - Written by Berbera Today

Liverpool(Berberatoday.com)-Kooxda Atletico Madrid ayaa iska xaadirasay wareega siddeed dhamaadka UEFA Champions League, kaddib markii ay cel celis ahaa labadii lugood ay ku wada ciyaareen Liverpool wareega 16-ka ay kaga soo gudubtay farqiga goolasha ee 2-4 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool.

Daqiiqadii 43-aad Liverpool ayaa la timid gool, waxaana 1-0 ka dhigay dheesha Georginio Wijnaldum, kaddib markii uu goolkan si qurux badan kaga caawiyay Alex Oxlade-Chamberlain.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, iyagoo abuuray fursado badan oo goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta iyaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay Liverpool, waxaana loo baahday in dheesha lagu daro 30 daqiiqo dheeri maadaama ay Atletico Madrid ku soo adkaatay 1-0 kulankii lugta hore.

Daqiiqadii 94-aad ee waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray Liverpool ayaa dhalisay gool labaad, waxaana 2-0 ka dhigay dheesha Roberto Firmino.

Laakiin 97-aad kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa la timid gool, waxaana 2-1 ka dhigay Marcos Llorente, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Joao Felix.

Markale daqiiqadii 105-aad kooxda Atletico Madrid ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca ee ciyaartan, waxaana markale gool qurux badan ka dhaliyay Marcos Llorente, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Alvaro Morata ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay bar-bardhac 2-2 ah.

120 daqiiqo Atletico Madrid ayaa dhalisay goolka guusha, waxaana 2-3 ka dhigay Alvaro Morata, waxaana goolkan ka caawiyay Marcos Llorente.

Ugu dambyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-3 ay ku adkaatay Atletico Madrid, waxayna  kooxda reer Spain sidaas ugu gudubtay wareega xiga ee siddeed dhamaadka tartankan, kaddib markii ay ku soo baxday cel celis ahaan labadii lugood ay ku ciyaareen wareega 16-ka 2-4.

Dhinaca kale kooxda PSG ayaa kaga adkaatay Borussia Dortmund 2-0 kulankii lugta labaad wareega 16-ka UEFA Champions League, waxayan u gudubtay wareega xigga ee siddeeda, kaddib markii ay cel celis ahaan labada kulan ay wada ciyaareen ku soo baxday 3-2, goolasha kooxda reer France waxay ka kala heshay Neymar Jr iyo Juan Bernat.

SAWIRRO:

View image on Twitter

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews