“Hadaad Dhagaysato Madaxwaynuhu Wixii Uu Kala Hadlayay Sariflayaasha, Waxay Ku Tusaysaa Halka Ay Taalo Hogaaminta Dalku”Xogahaye Guud Ee Xisbiga Wadani Khadar
March 13, 2020 - Written by Berbera Today
“Dalka Hogaan Xumo Ayaa ka Jirta Marka Madaxwaynuhu Bulshadii Ku Canaanayo Lacagta Ay caafimaadka Ku Tagaan Xukuumaduna Ay Madaxtooyo, Dhisanayso Dhakhtarkii waynaa Oo 3ooMitir Ujira Loogu Dhimanayo Oxgen la,Aan,”Xoghayaha Xisbiga Wadani.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka ah Ee WADDANI Ayaa Si Weyn u Dhaliilay Xaalada uu dalku marayo iyo Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ku eedeeyeen in uu shacabka waydiinayo waxka qabashada dhibaatooyinka haysta oo xukuumada masuul ka tahay.
