berberatoday.com
Suldaan Maxamed Iyo Suldaan Cabdillaahi Oo Ka Hadlay Shirka Burco
March 14, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Maxamed Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, ayaa ka hadlay Shirka la filayo haddii ALLE idmo inuu ka furmo Magaalada Burco, waxayna sheegeen inay ku rajo weynyihiin Shirkan.

Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, wuxuu sheegay inay qaban-qaabada Shirku si fiican u socoto, wax ka qabyo ahina aanu jirin, waxaanu yidhi “Shirka qaban-qaabadiisi si fiican bay noogu socotaa, wax ilaa hadda naga qabyo ahina ma jiraan, Shirku wuxuu u dhici doona haddii Rabi raali ka noqdo sida aanu u qoondaynay, inuu si fiican noogu furmo, si fiicana noogu dhammaado ayaan ALLE ka baryeynaa, 15 bishan, oo ku beegan Axadana ayaanu raynaynaa inuu furmo, markaas khayr baynu mar walba filaynaa”.

Suldaan Maxamed suldaan  Cabdiqaadir, oo isna Shirkan iyo wuxuu ka raynayo ka hadlay ayaa yidhi “Inuu inoo dhaco Shir la isku laab xaadho, oo lagu soo af jaro wax walba la kala tirsanayo ayaan ALLE ka baryeyaa, ALLENA ha inooga dhigo Shir wanaagsan, oo khayr inoo yeesha, labada Beelood ee shirayana, waa Beelo walaalo ah, oo isku deegana ah, oo aan sinaba u kala maarmin, markaas Shirkana  waan ka ducaynayaa, ee ALLE xaqa ha ina garansiiyo, ALLE balaayooyinka ha inaga ilaaliyo, bogeenana burcad ha isku mariyo”.

 

 

 

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews