Suldaan Maxamed Iyo Suldaan Cabdillaahi Oo Ka Hadlay Shirka Burco
March 14, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Suldaan Maxamed Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, ayaa ka hadlay Shirka la filayo haddii ALLE idmo inuu ka furmo Magaalada Burco, waxayna sheegeen inay ku rajo weynyihiin Shirkan.
Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Suldaan Cabdilaahi Cali Muuse, wuxuu sheegay inay qaban-qaabada Shirku si fiican u socoto, wax ka qabyo ahina aanu jirin, waxaanu yidhi “Shirka qaban-qaabadiisi si fiican bay noogu socotaa, wax ilaa hadda naga qabyo ahina ma jiraan, Shirku wuxuu u dhici doona haddii Rabi raali ka noqdo sida aanu u qoondaynay, inuu si fiican noogu furmo, si fiicana noogu dhammaado ayaan ALLE ka baryeynaa, 15 bishan, oo ku beegan Axadana ayaanu raynaynaa inuu furmo, markaas khayr baynu mar walba filaynaa”.