Xaaska Raysal Wasaaraha Dalka Canada Oo Laga Helay Xanuunka Coronavirus
March 14, 2020 - Written by Berbera Today
Canada(Berberatoday.com)-Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa la go’doomin doonaa muddo laba toddobaad ah kadib markii xaaskiisa, Sophie, laga helay Coronavirus Khamiistii.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caafimaadkiisu wanaagsan yahay, welina laguma arag wax astaamo oo Coronavirus ah, sida uu afhayeenkiisa ku sheegay qoraal uu soo dhigay twitter.
Xafiiska Ra’iisul Wasaare Trudeau ayaa Khamiistii sheegay in Sophie Gregoire Trudeau, oo kasoo laabatay munaasabad ay khudbad ka jeedisay oo ka dhacday Britain, lagu arkayo astaamo ay ka mid yihiin qandho, habeenkii Arbacada.