Dawladda Soomaaliya Oo Xaqiijisay In Qofkii Ugu Horeeyay Laga Helay Xanuunka Caronavirus
March 16, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah laga helay gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan laga helay qof ka mid ah dadkii ka yimid dibedda ee lagu karantiilayey garoonka Muqdisho, ayada oo natiijada baaritaan lagu sameeyey ay soo baxday, islamarkaana xaqiijisay inuu qabo fayruska.
“Ka dib karantiil iyo baaritaan aan ku samaynnay muwadaniintii afarta ahayd ee ka yimid dalka china usbuucii hore waxa aan xaqiijinayaa in mid ka mid ah muwaadiniintaas laga helay cudurka caabuqa faafan. Wasaaraddu waxay ka shaqaynaysaa xakamaynta cudurka,” ayey tiri wasiir Fowsiya