berberatoday.com
Kenya Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Ajaaniibta
March 16, 2020 - Written by Berbera Today

Nairobi(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu ka mamnuucay muwaadiniinta ka imaanayo dal kasta oo laga soo tebiyay kiisaska cudurka Corona, marka laga reebo muwaadiniinta Kenya u dhashay ee dibadda ka imaanayo iyo dadka heysta degnaanshaha saxda ah.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay dalka ka jiri doonto muddo 30 maalmood ah , haddii loo baahdana waqti dheeri ah lagu dari karo.

Kenya waxaa sidoo kale Isniinta la xiraya Iskuulada halka jaamacadaha la xirayo Jimcaha.

Kenya waxay Jimcihii xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona, madaxweyne Kenyatta wuxuu shaley xaqiijiyay in 2 qof oo kale la xaqiijiyay inuu ku dhacay cudurka.

Dhanka kale, madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa wuxuu sheegay dalkiisa laga mamnuucay dadka ka imaanayo Mareykanka, UK, Talyaaniga iyo dalalka kale uu ka dilaacay cudurka.

Ramaphosa wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in 61 qof laga helay cudurka Coronaha gudaha Koonfur Afrika isla markaana uu si weyn feyraska uga baahayo halkaas.

Dalalka kala ah Jabuuti iyo Tanzania waxay hakiyeen duulimaadyadii caalamiga ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews