berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Taliyihii Sirdoonka Somaliland Ee Gobolka Sool Oo Caawa Laascaanood Lagu Dilay
March 16, 2020 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Taliyihii Ciidammada Sirdoonka Gobolka Sool ee Somaliland, Cabdiqani Guhaad ayaa caawa lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolkaasi. Taliyaha ayaa lagu toogtay Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Laascaanood Fiidnimadii Caawa, sida loo xaqiijiyey Wargeyska Geeska Afrika.

Lama oga Cidda dilka geysatay iyo Cidda ka dambaysa midna, balse waxa la xaqiijiyey in Gurigiisa lagu hortoogtay. Laamaha Ammaanka ee Gobolka Sool, oo gaadhay goobta dilka Taliyuhu ka dhacay ayaa bilaabay baadhitaan la xidhiidha dilkiisa, illaa haddana Maamulka Gobolku kama hadal falkan. Dilka Taliyaha Sirdoonka Somaliland ee Gobolka Sool, ayaa imanaya wax ka yar 3 Toddobaad ka dib, markii Magaalada Laascaanood lagu dilay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u geeriyooday Qarax gaadhigiisa loogu xidhay, kaasi oo ku qarxay.

 

Xigasho wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews