Xukuumada Somaliland Iyo Ganacsatada Oo Isla Qaatay In La Kaydiyo Cuntada Iyo Daawada Dalka Taala.
March 16, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin ayaa sheegay inay ka tashanayeen sidii ay meel uga soo wada jeedi lahaayeen dhibta adduunka ku soo korodhay ee xannuunka Corona Virus waxa uu gudoomiyuhu xusay inay isla meel dhigeen sidii ay ganacsatadu u kaydin lahaayeen raashinka iyo daawooyinka daruuriyaadka ah ee dalka yaala.
