berberatoday.com
Gudoomiye Baashe Maxamed Cadde Oo Golaha Wakiilada Fasax Galiyay Xili Laga Sugaayay Cod Uqaadida Xubnaha Komishanka Ee Xisbiyada Mucaaradka
March 18, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa fasax afar todobaada galiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada fasaxaas oo ka bilaamaya sida ku cad waraaq kasoo baxaday Xafiiska Gudoomiye Baashe 21 bishan March waxaanu gudoomiye Baashe ku sababay Fasaxaas ka hortaga xanuunka Caronavirus ee aduunkoo dhan kaga qeylisiiyay Wadamada Somaliland la jaarka ahna kiisas kamida lagu arkay islamarkaana heegan uu galiyay Madaxweynuhu Xukumadiisa.

Fasaxan Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa waxa qoonsaday Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka oo doonaayay isla todobaadkan gudihiisa inay xubnaha umatalaya Komishanka doorashooyinka geeyaan Golaha wakiilada si waajibaadkooda uga maraan oo u ansixiyaan labadaas xubnood si ay shaqadooda hore uga bilawdaan iyada oo shaqadii Komishankuna utaagan tahay labadaas Xubnood.

Sida ay sheegayaan xogo aanu ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoonyahay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka ayaa Madaxweyne Muuse Biixi tilifoon kula hadlay iyaga oo weydiiyay sababta Golaha Wakiilada loo fasaxay iyada oo shaqo sugayso lana doonayo inay Xubnahan Mucaaradka Komishanka umatalaya cod uqaadaan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhankiisa la sheegay inuu usheegay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka inaanu arinkaas waxba kala socon Macquulna aanay ahayn in Gudoomiye Baashe Xildhibaanada fasax galiyo Xiligan isagana uu kala hadli doono sababta fasaxa keentay.

Ilaa Hadda wararka iska soo daba dhacayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Gudoomiye Baashe talaabadaas Fasax ku canaantay una soo jeediyay inuu Xildhibanada fadhi deg deg ah isugu yeedho si Xubnahaas Komishanka Doorashooyinka Mucaaradka umatalaya Cod loogu qaado Baashe ayaa la sheegay inuu soo jeedinta Madaxweynaha ka dhego adaygay hase yeeshee Madaxweyne Muuse ku adkeeyay lagana sugayo Baashe fadhigaas deg dega ah.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews