Haayada Shaqaalaha Jsl Oo Shaacisay In La Joojinayo Nidaamka Xaadiriska Shaqaalaha Ee Finger Printanka Iyo Awaamiir Kala Oo Lagaga Hortagayo Coronavirus.
March 18, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com0-Gudoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada Somaliland ayaa shaacyay amaamiir culus oo lagaga hortagayo xanuunka corona virus kuwaasi oo lagaga dhaqmi doono xarumaha dawlada.
Qoraal kasoo bay haayada shaqaalaha dawlada ayaa U dhignaa Sidan;
1- In la joojiyo isticmaalka nidaamka xaadiriska shaqaalaha-finger printka ama buuga xaadiriska muddo 4 todobaad ah
2- In Shaqaale gaar ah oo ka mid ah shaqaale hoosaadka, ilaaliyayaasha iyo askarta amniga (watchmen /security guards)albaabka hore joogta loo dhiibo dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo (wash hand sensitizer ) si cid kasta oo soo galaysa xafiisyada Dawlada xarunta iyo xafiisyada goboladaba loogu nadiifiyo gacmahooda, hadiiba taas la ay suurtoobi waydo waa in badaalkeeda kildhi/ibriiq biyo ah, baaldi wayn iyo saabuunta dareeraha ah ee gacmaha lagu maydho la dhigo kedinka qof kastana la faro lana hubiyo inuu maydhay gacmihiisa si qofna u gelin gudaha dhismaha iyo xafiisyada isaga/iyada oo faraha aan sii maydhin.