Tababare U Geeriyooday Coronavirus Iyo Spain Oo Weji Kale Yeelatay
March 18, 2020 - Written by Berbera Today
Spain(Berberatoday.com)-Tababare kubada cagta ah oo u dhashay dalka Spain oo lagu magacaabo Francis Garcia ayaa u geeriyooday caabuqa Coronavirus isagoo da’diisa ay aheyd kaliya 21 sanno jir.
Ninkaan da’da yar ayaa la shaqeynayay kooxda Malaga ka dhisan ee Atletico Portada Alta tan iyo 2016kii isagoo ahaa tababaraha kooxdooda da’da yar.
Ku dhawaad 300 qof ayaa u dhimatay caabuqa Coronavirus dalka Spain.
