59 Qof Oo U Dhintay Dettol Ay U Cabbeen Inuu Ka Difaaco Coronavirus
March 20, 2020 - Written by Berbera Today
K/Afrika(Berberatoday.com)-Wadaad ka mid ah kuwa Kiristaanka ee Dalka Koonfur Afrika ayaa Dad ugu yimid Kiniisadda uu Maamulo wuxuu waraabiyey Dariiraha loo yaqaano Dettol, taasina waxay sababtay Geerida 59 ka mid ah Dadkii cabbay.
Rufus Phala oo ah Baadari ayaa 63 Qof Waraabiyey Dettol, waxaana u Geeriyooday 59 Qof, halka Afartii kalena ay ku jiraan Xaalad khatar ah.
Wargeyska Kenya Today oo Warkan qoray ayaa sheegay in Rufus Phala uu Dadka u sheegay in Dareeraha Dettol oo sida Caadiga ah loo isticmaalo Nadaafaddu uu ka difaacayo Caabuqa Coronavirus, ka dibna ay cabbeen, taasina sababtay inay dhintaan 59 Qof, afar kalena ay galaan khatar Caafimaad-darro.