Raysalwasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte Oo Sheegay In Lagu Guuldareystay dadaladii Lagu Doonayay Xakameynta Xanuunka Canoravirus Iyo Dhimashadii Udanbaysay Oo Gaadhay 500 Ruux
March 20, 2020 - Written by Berbera Today
Roma(Berberatoday.com)-Rasalwasaaraha dowladda Talyaaniga ninka lagu magacaabo Giuseppe Conte ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Roma wuxuu ku sheegay in lagu guul darraystay dhammaan dadaalladii lagu doonayay in lagu xakameeyo Carona Virus.
Wadanka Talyaaniga shalay iyo maanta waxay u aheyd maalmo kale oo madoow kadib markii ay mar qura dhinteen dad ku dhow 500 oo qof, wasaaradda caafimaadka talyaaniga ayaa bayaan ku sheegtay in shalay ay dhinteen 475 qof oo ahaa bukaanadii lajiifay cudurka, dhimashada ugu daran waxay ka dhacday koonfurta iyo waqooyiga wadanka.